Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta shahaadada Xildhibaanimada guddoonsiiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee dhawaan lagu doortay Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadan shahaadooyinka ku guddoonsiiyay munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaal ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga soo doortay 77 Xildhibaan (69 ka tirsan Golaha Shacabka iyo 8 ka tirsan Golaha Aqalka Sare).
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com