Madaxweyne Biden oo la kulmay Madaxweynaha Poland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo booqasho ku joogga caasimadda dalka Poland ee Warsaw ayaa galabta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Andrzej Duda.

Labada Madaxweyne ayaa si dhow uga wada hadlay duulaanka Ruushka uu ku hayo dalka Ukraine iyo jawaabta uu Mareykanka ka bixin doono, haddii Ruushku uu soo weeraro Poland.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay Poland ka difaaci doonto, weerar kasta oo kaga yimaada Ruushka, isagoona yiri “Xorriyadiina waa teena.”

Hoggaamiye-yaasha ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshaha Reer Galbeedku ay gadaal ka riixayaan ee la xiriira, sidii cunaqabateyn dheeri ah loogu soo roggi lahaa Moscow, iyadoo dhinaca kalena ay isu waafaqeen in la sii wado taageerada dowladda iyo shacabka reer Ukraine.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Madaxweyne Duda iyo shacabka Poland uga mahadceliyay, sida guryahooda iyo quluubtooduba ay ugu fureen deriskooda u baahan, wuxuuna ballanqaaday inuu sii wadi doono taageerada Mareykanka ee gargaarka bani’aadanimo.

Warsaw ayaa martigelisay in ka badan laba milyan oo dadka reer Ukraine ah, oo guryahooda uga soo cararay colaadda dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com