Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay inuu sii xumaanayo amniga dalka, isagoo dhanka kalena ku baaqay in la dedejiyo doorashada dalka, si looga gudbo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan masuuliyadda qaata.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in weerarada Arbacadii ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ay muujinayaan, sida amniga dalka uu u sii xumaanayo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay “Waxaan leenahay hay’adaha amniga iyo ciddii masuuliyadaasi iska laheyd in baaritaan dhaba la sameeyo, si masuuliyadda dadkii iska lahaa ay u qaataan ama loo saaro.
Haddaan sharci, nidaam iyo kala dambayn aysan jirina, dowladnimada ma hirgeli karto, marka ciddii ka gaabisay masuuliyadaas ama lug ku laheyd dhibaateenta ama ka qayb qaadashada in loo helo cadaalad, waa arrinta keliya oo looga qanci karo arrintaas.”
Shariif Sheekh Axmed ayaa dhinacyada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga ugu dambeeya, ee loo muddeeyay in lagu soo geba-gabeynayo doorashada.
“Waxaan la soconaa doorashooyinkan xilliga ay jiitameen waa xilligii ugu dheeraa, marka kulamaa ay doorashooyinka sii dheeraadaana waxay abuuraysaa qalqal amni ah, dhibaatooyin dhaqaale iyo mid siyaasi ah.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka.
Waxa kaloo uu yiri “Dalkaanu nidaamka uu doortay waa nidaamka dimoqraadiga ah, dadku inay doorasho xor ah galaan, is doortaan, ciddii guuleysatana lala shaqeeyo, taas ayaa waxaa lagu heli karaa degenaansho siyaasadeed, horumar, amni iyo cadaalad. Waxaan adkaynaynaa xoojinta iyo inaanan laga weecanin barnaamijkaas siyaasiga ah.”
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale yiri “Dalkani wuxuu soo maray dhibaatooyin fara-badan oo amni iyo siyaasadeed, kuligoodna waxay xiriir la lahaayeen doorashooyin, marka in loo arko waxa ugu haboon oo maanta dalkaan yaala inay yihiin doorashooyinka inay u dhacaan sida ugu hufan.”
Shariifka ayaa xusay in marka aad eegto khaladaadka hareeyay doorashadan inaananba la dhihi karin doorasho, ha yeeshee ay doonayaan in wixii dambe la saxo.
“Waxa hadda dambe in la hagaajiyo oo la qurxiyo oo mudgi laga ilaaliyo, si wixii hore laftigooda ay u helaan aqoonsi. Haddii khaladku uu sii socdo waxa garan kartiin waxa ka dhalan kara.” Ayuu yiri Shariifku oo intaasi ku daray “Marka waxaan leenahay doorashooyinka in la qurxiyo oo la hagaajiyo, lana ilaaliyo, hufnaantooda aad iyo aad ayay ugu tahay muhiim dadka Soomaaliyeed iyo dadka ka qaybgelayo doorashooyinka.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com