Dagaal culus ayaa saaka ka socdo deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari, ka dib markii maleeshiyad Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaankaasi.
Weerarka ayaa ku bilowday hoobiye-yaal ay Shabaabku ku ekeeyeen xeradaasi, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay la wareegeen xeradaasi, dagaalkuna uu hadda ka socdo buuraha xigga dhanka Galgala.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka. Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka ka socdo deegaankaasi.
Shabaabka ayaa horey sidaan oo kale weerar ay ka gaysteen Af Urur waxa ay ku dileen 70 ka mid ah Daraawiishta Puntland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com