Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare dhaliyay oo maleeshiyada Al Shabaab ay saakay ku qaadeen Xerada Ciidanka Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Shabaabkuna ay u suurtagashay inay gudaha u galaan xeradaasi.
Intii dagaalku socday ciidan gurmad ahaa ayay miino kula qarxay waddada, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka lagu dilay sagaal ka mid ah Ciidamada Puntland oo Saraakiil ay ku jiraan iyo dhaawaca shan iyo toban kale. Sida ay baahisay idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus waxaa dagaalka lagu gubay afar gaari, dagaal-yahanadooduna ay gebi ahaanba dab qabad siiyeen xeradaasi, ayna horey u sii qaateen wixii hub ahaa ee yaalay.
Korneyl Saciid Nuur Shire, Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay in shan askari kaga dhimatay dagaalka iyo dhaawaca toddobo kale. Laba ka mida askarta dhimatay ayuu sheegay inay ahaayeen askartii gurmadka ugu soo socotay dhanka xerada ee miinadu la kacday, haatana ay ciidamadoodu si buuxdo ugu sugan yihiin xeradaasi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hal gaari uu kaga gubtay dagaalka, ka dib markii sida uu sheegay uu ku dhacay hoobiye laga soo tuuray xerada bannaankeeda.
Taliyaha ayaa tilmaamay in maleeshiyada Al Shabaab ay jab xoogan kala kulmeen Ciidanka Puntland, ayna jiraan meydad ay uga carareen xerada dhexdeeda iyo buuraha dushooda, kuwaa oo sida uu sheegay ay soo bandhigi doonaan.
Dhanka kale Taliyaha ayaa xaqiijiyay in ay miino la kacday gaari ay dad rayid ah la socdeen oo marayay meel wa-xoogaa ka durugsan xeradaasi, faah faahinta khasaaraha rayidkana ay dib ka soo sheegi doonaan.
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com