Mahdi Guuleed oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Qatar

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Doha kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Qatar, Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa Dowladda Qatar iyo Amiirka dalkaas, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyay soo dhawaynta diiran ee loo fidiyay, isaga iyo wafdigiisa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in kulamada noocan ahi ay dardargelin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal iska kaashanayaan, isagoo Dowladda Qatar uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Somaliya.

Dhankiisana Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar, Mudane Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani ayaa tilmaamay, sida uu dalkiisa uga go’an yahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com