Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda iyo Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhinacyadan kala hadlay weerarada maalintii Arbacada ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho & Beledweyne, amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weeraradaasi, lamana sheegin muddo uu u qabtay in ay jawaabta ugu soo celiyaan.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Rooble uu tuhunsan yahay in weerarkii Marine Gate ee Garoonka Aadan Cadde iyo ismiidaamintii lagu dilay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi ay la xiriiraan arrimo siyaasadeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com