Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Beledweyne waxa uu ku qaabilay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), wax yar uun ka dib, markii loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah.
Sanbaloolshe ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga #HOP058, ka dib doorasho lagu qabtay Xerada Lama Galaay.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa qaabilay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo maanta loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaan Sanbaloolshe guusha uu maanta gaaray, waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabelle iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com