Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Somaliya ee dalka Qatar, isaga oo halkaas ay ku soo dhoweeyeen Danjiraha Somaliya ee dalkaasi, Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka oo hadal u jeediyay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Safaaradda ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda in ay dadaal dheeriya ku bixiyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha, sumcadda iyo sharafka dalkeena, oo ah waajibka qaran ee loo igmaday.
Mahdi Guuleed ayaa waxaa booqashadan ku wehliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kala ah Axmed Cismaan Diiriye, Caydaruus Saalax Yuusuf, Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo masuuliyiin kale.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com