Qoorqoor oo dib shaqada ugu soo celiyay Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shaqada dib ugu soo celiyay Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ka dib markii xil ka qaadis lagu sameeyay muddo toban bilood laga jooggo.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa 29-kii bishii May xilka ka qaaday Wasiir Cabdi Waayeel, sababo ku aaddan xil gudasho la’aan.

Wasiirka ayaa xilligaasi sharci-darro ku tilmaamay tallaabada uu xilka kaga xayuubiyay Madaxweyne Kuxigeenka, isagoonka ku sababeeyay inaanu Madaxweyne Kuxigeenku awood u lahayn in uu xilka ka qaado, balse uu leeyahay in uu shaqada ka joojiyo oo keliya.

Wareegto caawa ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu shaaciyay in Madaxweynuhu uu dib shaqada ugu soo celiyay Wasiir Cabdi Waayeel, iyadoona hay’adaha Galmudug la faray inay la shaqeeyaan Wasiirka, si waajibkiisa uu u guto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com