Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.
Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa illaa toddobo musharax u diiwaangeliyay kursigan oo tirsigiisu ahaa #HOP058.
Doorashada oo hal wareeg ahayd ayaa waxaa 54 cod ku guuleystay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa is qabsatay rasaas loogu dabaaldegayay guusha Sanbaloolshe.
Tani ayaa kuraasta guud Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 249 kursi, oo 51 ka mida ay dumar ku soo baxeen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com