Wada hadaladii nabadda ee Ruushka iyo Ukraine oo dib uga bilaabanaya Turkiga

Wada hadalada nabadda ee dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in Isniintan amaba Talaadada uu dib uga bilowdo dalka Turkiga, si horey loogu sii amba qaado wada hadaladii fool ka foolka ee 10-kii bishan uga bilowday dalkaasi.

Dowladda Turkiga ee martida loo yahay ayaa dadaal ugu jirto in xal laga gaaro duulaanka uu Ruushku ku hayo dalkaasi Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa soo dhaweeyay wada hadalada uu garwadeenka ka yahay Turkiga, isagoona rajo ka muujiyay inay guuleystaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhinacyada uu ka rajeynayo inay nabad u horseedaan labada dowladood, iyadoo laga fogaanayo dib u dhac kale.

Zelensky ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay duulaanka sii socda ee Ruushka uu ku hayo dalkiisa, kaasoo horseeday dhimashada kumanaan qof iyo burburka magaalooyin badan oo dalkaasi ah.

Waxaa uu walaac ka muujiyay duqaynta har iyo habeen lagu hayo Magaalada Koonfurta Ukraine ku taala ee Mariupol, halkaasoo ay ku go’doonsan yihiin in ka badan boqol iyo toddobaatan kun (170,000) oo qof.

Magaaladani ayaa la tilmaamaa in boqolkiiba sagaashan (90%) ay ku burburtay duqaynta Ciidamada Ruushka, iyadoona ay xudun u noqotay goobaha ay xaaladda bani’aadanimo ka jirto, guud ahaanba dalkaasi.

Magaalada dekedda leh ee Mariupol ayaa la fahamsan yahay inay xaaladeeda sii cakirmeyso, tan iyo markii ay guuldareysteen dadaaladii lagu doonayay in dadka lagaga daadgureeyo magaaladaasi.

Si kastaba ha-ahaatee dowladda iyo shacabka Ukraine ayaa naawilaya in wada hadaladan ay miro dhalaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com