Guddiga Doorashada Galmudug oo wareejiyay xogta Xildhibaanada cusub (SAWIRRO)

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u wareejiyay xogta Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka, ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug, Maxamed Daahir Guuleed ayaa galalka Xildhibaanada cusub ku wareejiyay Wakiilka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Galmudug, Maxamed Aadan Cismaan.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Qaranka ayaa qoraal ku sheegay “Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Guddiga FEIT ku wareejiyay galalka Xildhibaanada Labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Gudoomiyaha SEIT Galmudug ayaa agabka ku wareejiyay Wakiilka FEIT ee Galmudug, Maxamed Aadan Cismaan, waxaana goobjoog ahaa xubno ka kala socday SEIT, FEIT iyo EDRC.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com