Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo wareejiyay galalka Xildhibaanada (SAWIRRO)

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ayaa maanta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ku wareejiyay xogta Xildhibaanadii dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi, Khadar Xariir Xuseen ayaa galalka Senatorada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ku wareejiyay xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu yiri “Guddiga Maamulka Doorashada Labada Aqal ee Somaliland ayaa maanta wareejiyay agabki iyo xogta Xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland, waxaana kala wareegay xubno uu hoggaaminayay Madaxa Guddiga FEIT ee Doorashada Somaliland ahna Xoghayaha Guud ee GHDHF.”

Sabtidii ayay ahayd, markii Guddiga Doorashada Puntland, ay xogta Xildhibaanadii lagu doortay Puntland ku wareejiyeen xubno ka socday Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com