Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta daahfurtay Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee bisha barakeysan ee Ramadan 2022.
Munaasabad lagu daahfurayay Mashruuca Taakuleynta iyo Afurinta ee qaybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Hormuud Salaam Foundation ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Homruud Salaam Foundation, Mudane Abdullahi Nur Osman ayaa sheegay in barnaamijkaan Taakuleynta iyo Afurinta, uu yahay barnaamij ay sanad kastaa qabato Hormuud Salaam Foundation, mar kastaa oo ay soo galeyso bisha Barakeysan ee Ramadan, si aan ugu caawino inta u baahan caawinta ee ka midka ah dadkeena Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in qaybo ka mid ah, Naafada, Agoonta, Haweenka danyarta, Maxaabiista Xabsiga dhexe, Naafada Ciidanka Xooga Dalka, Dadka Dhimirka ka xanuunsan ee ku xareeyson xarumaha caafimaadka, Dadka la xanuun Juudaanka, Qaxootiga Yamaniyiinta iyo in badan oo ka mid ah dadka nugul, ay gaarsiin doonaan Taakuleynta iyo Gargaarka.
Gudoomiyaha waxaa uu sheegey HSF ay mar walbaa garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, mar kastaa iyo marxalad kastaa oo duruuf adag lasoo gudboonaato, iyadoo haatan wadanka ay ka jirto abaar ku yeelatay Saameeyn aad iyo aad u ballaaran nolosha in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed.
Waxaana uu sheegay in dhaqaale ay ganacsatada u uruurinayeen dadka ay abaaraha ku dhufteen, ay Hormuud Telecom, noqotay shirkadda keliya ee illaa iyo hadda wada bixisay lacagtii la qaybsaday, marka loo fiiriyo dhammaan shirkadaha kale, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba ineey u istaagaan sidii loo caawin lahaa dadkeenaa ay abaaraha sameeyeen, iyo kuwa u baahan in la caawiyo, maadaama ay fooda nagu soo heeyso bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.
Ugu dambayntii mashruuca bisha Ramadan ay ku bixin doonaan lacag dhan $300,000 ( sadex boqol oo kun dollar ), sidoo kalena ay wadanka keeneen 8 konteeynar oo timir ah oo loo qeybinayo dadka Soomaaliyeed ee u baahan caawinta.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com