Lafta-gareen oo qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Isha Dyfan (SAWIRRO)

Khabiirka Madaxabannaan Arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey, Isha Dyfan iyo wafdi ay horkaceyso ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa wafdigan ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada, isagoona kala hadlay qodobo dhowr ah.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen abaaraha, biyo la’aanta, xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka.

“Kulan Saacado qaatay wafdiga iyo Madaxweynaha waxay uga wada hadleen abaaraha, biyo la’aanta, xaquuqda aadanaha iyo xorriyatal qowlka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Madaxtooyada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com