Madaxweyne Qoorqoor oo xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Qorsheynta (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, ka dib munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ku sugnaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka, howlwadeenada wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmduug oo hadal ka jeediyay munaasabadaasi ayaa u mahadceliyay mashruuca Biyoole oo lagu dhisay xaruntaasi iyo weliba hay’adihii gacanta ka gaystay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay dhismaha cusub, ee ay yeelanayso Wasaaradda Qorsheynta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com