Shariif Sheekh Axmed oo kulan la qaatay Safiirka Talyaaniga (SAWIRRO)

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Somaliya, Alberto Vecchi.

Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal ku sheegay inay ka wada hadleen amniga dalka, dedejinta doorashooyinka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Waxaan ka wada hadalnay marxaladda uu dalka ku jiro, sida xaaladda amniga dalka, dedejinta doorashooyinka, xoojinta xiriirka Somaliya iyo Talyaaniga.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan uga mahadceliyay kaalinta Dowladda Talyaaniga ka qaadanayso dib u dhiska iyo soo kabashada Somaliya.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com