Waxaa weli uu is mari-waa ka taagan yahay doorashada 16-ka kursi ee yaala deegaan doorashada 2aad Jubbaland ee Magaalada Garbahaarey.
Iyadoo 31-ka bishan uu ku egyahay xilliga dib loogu muddeeyay in lagu soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa muuqata in mar kale uu dib u dhac ku soo fool leeyahay.
Loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo Jubbaland ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee haatan horgudban dhameystirka Golaha Shacabka, mana jirto ifafaalo muujineysa in dhinacyadu isaga soo dhawaanayaan khilaafkoodaasi.
Jubbaland ayaa mar sii horeysay u ololeyneysay in doorashada kuraastaasi lagu qabto Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka dib markii Guddiga Qiimeynta Xaaladda Garbahaarey laga hor istaagay inay gaaraan magaaladaasi.
Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka taagan tahay Villa Somalia ayaa si buuxdo Xubnaha Guddiga ugu diiday inay yimaadaan magaalada.
Ma cadda halka uu ku dambeeyay qorshihii Jubbaland gadaal ka riixeysay ee ku aaddanaa in doorashada kuraastaasi loo weeciyo dhanka Ceelwaaq.
Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhawaan Villa Somalia ku eedeeyay inay caqabad ku tahay kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.
Doorashada Golaha Shacabka ayaa ka gudbi la’ khilaaf aan dhammaad lahayn, taa oo rajo xumo ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed.
Doorashadan ayaa noqonayso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com