Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee hoyga Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Degmada Wanlaweyn, Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow).
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay wiil uu dhalay Gudoomiye Kuxigeenka, halka Gudoomiye Kuxigeenka iyo askari ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn, Ismaaciil Abuukar Maxamed ayaa sheegay in xaaladda Gudoomiye Kuxigeenka ay tahay mid degan, dhaawaciisana lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee degmadaasi.
“Gaduudow aad ayuu u fiican yahay, wax dhib ah ma qabo, xaaladiisana way degan tahay. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ururka 64aad ayaa u gurmaday, haddana Isbitaalka Degmada Wanlaweyn ayuu ku sugan yahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Xaaladda Degmada Wanlaweyn aad ayay u degan tahay, waa la is dhex marayaa, wax dhib ahna kama jiraan.”
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan la xiriira qaraxaasi, wixii faah faahin ahna ay dib kala soo wadaagi doonaan Warbaahinta.
“Hadda baaritaan ayaa socdo oo ku aaddan waxa uu qaraxa ahaa iyo ciddii ka dambeysay, marka uu baaritaanka dhammaado ayaan dib ka soo sheegi doonnaa wixii faah faahin ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com