Madax ka qaybgashay kulan loogu duceynayay Xildhibaan Amina Maxamed (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadda, Xasan Cali Khayre, Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dadweyne kale ayaa ka qaybgalay kulan loogu duceynayay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee lagu dilay labadii qarax ee 23-kii bishan ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) 48 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, halka 108 kalena ay ku dhaawacantay.

Inkastoo masuuliyadda qaraxyadan ay sheegatay Al Shabaab, haddana siyaasiyiinta ayaa tuhunsan in qaraxyadaasi ay la xiriiraan arrimo siyaasadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com