Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Guddiga Madaxabannaan Xuduudaha (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kula kulmay Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha & Federaalka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehlinayay Madaxweyne Kuxigeenka, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo howlwadeena Xafiiska Madaxweynaha, waxaana guddiga ay ka warbixiyeen ujeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne, oo ahaa xaqiijinta soodinta ay wadaagaan Hirshabelle & Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee guddiga, waxa uuna faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com