Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ay ka wada hadleen amniga deegaanada Galmudug, la dagaalanka argagixisada, dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada reer Galmudug.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin amniga Galmudug, la dagaalanka argagixisada, dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com