Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in gacantii dishay Ikraan Tahliil Faarax ay dishay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballanqaaday in aanu ka hari doonin cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax iyo Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.
Ra’iisal Wasaaraha oo caawa ka hadlayay kulan loogu duceynayay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee 23-kii bishan lagu dilay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa yiri “Aniga ka shakhsi ahaan Amina waxaa na dhex maray arrintii Ikraan Tahliil, oo aad la socoteen sida ay ku bilaabatay iyo illaa hadda meesha ay mareyso. Sidaan ka ballanqaaday maalintii ugu horeysay ee ay ii yimaadeen Amina, Ikraan hooyadeed iyo Ugaaskaba, waxaan ballanqaaday, una sheegay inaan arrintaas god u gelaayo, haddii ay i gaarsiiso.”
Waxa kaloo uu yiri “Ballan ayaan waagaas qaaday, welina waan ku taaganahay, laakiin waa leegaga baxay, dad badan ayaa igaga baxay dagaalkaas markaan bilaabay, dad badan ayaa ku soo geba-gabeeyay war ragga kala celiya (Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo), ma ahayn bartilmaameedkayna Madaxweyne Farmaajo ee wuxuu ahaa dadkii falkaasi u gaystay Ikraan Tahliil, oo Amina ay cadaaladda u raadineysay in maxkamad la saaro, laakiin waa la siyaasadeeyay, mana ka harayno, hadduu Alle (SWT) idmo.”
Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Waxaan aaminsanahay sidaan u aaminsanahay in cawadaba aan dhiman karo in Amina gacanta ka gardaran ee dishay ay ahayd gacantii Ikraan ka dambeysay. Sababta aan saas u leeyahay wax kale ma’ahan walaalkay Cali Guudlaawe (Madaxweynaha Hirshabelle) subixii dhaweyd ee uu i soo wacay oo ay is khilaafeen Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabelle, kaasoo doonayay in kuraasta ay u xirnaato oo dad gooni ah la siiyo, markuu walaalkay Madaxweyne Guudlaawe aqbalay in kuraastaas la furo, uuna ila soo xiriiray garab-na aan ku siiyay in ninkaasi la bedelo, waxaa isla markiiba aniga iyo Madaxweyne Guudlaawe ka wada hadalnay furitaanka kiiskaas ee Amina ka mid tahay in dhibaato ay soo gaari doonto.”
Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa daboolka ka qaaday in loo soo diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in la dhibaateen doono Xildhibaanadda.
“Ilaahay baa iga sareeyo wax saacad ka yar ka dib farriimo ayaa ii soo dhacay, waan hayaa oo la ileeyahay kursigaas Amina furitaanka aad furteen boob iyo ujeedaa u leedahay, laakiin waa waxaa ka hesho, Cali Guudlaawe iyo reer Hirshabelle-na waan iska celinaynaa, adigana waan iska kaa celinaa, waan hayaa farriinta. Waan u dhimanaa, waana u dhiman doonnaa, hadduu Alle idmo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Rooble ayaa yiri “Amina walaashay ayay ahayd, dadkii ka dambeeyay waan isku deyay xoog iyo awood intaan leeyahay inaan wax kaga qabto, laakiin waan ka guuleysanaynaa, haddii Alle idmo.”
Rooble ayaa xusay inay nool yihiin kuwii maleygay dhagarta lagu qaarajiyay marxuumadda, balse uu Alle ka rajeynayo in uu ku guuleeyo inuu wax ka qabto kuwii falkaasi ka dambeeyay.
“Waa nool yihiin kuwii kharashka ku bixiyay ninkii Amina isku qarxiyay ee ka soo waday dhulkaad aragteen ee keenay Hiiraan, Beledweyne.” Ayuu yiri Rooble oo intaasi raaciyay “Waa nool yihiin kuwii abaabulay, waa nool yihiin kuwii lacagta ku bixiyay, laakiin Alle (SWT) wuu ka soo saarayaa xaqdarrada ay galeen, mana ka harayno intaan noolahay.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com