Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Hoghayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac.
Dhinacyada ayaa kala qaatay warbixin ku saabsan u diyaargarowga dhaarinta Xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
Xildhibaanada cusub ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto Guddoonada Labada Aqal.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo Doorashada Labada Aqal iyo Guddoonkooda, si loogu gudbo Doorashada Xafiiska Madaxtooyada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com