Madaxweyne Putin oo aqbalay xabad joojin ka dhaqangasha Magaalada Mariupol

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa aqbalay xabad joojin ka dhaqangasha Magaalada Koonfurta Ukraine ku taala ee Mariupol.

Magaaladan oo inta badan ay la wareegeen Ciidamada Ruushka ayaa waxaa ku go’doonsan qiyaastii boqol iyo konton kun (150,000) oo qof, kuwaa oo la’ wadooyin ay uga baxaan, haddii ay si weyn u go’doomiyeen Militariga Ruushka.

Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay in Putin uu arrintaasi aqbalay, ka dib markii habeenkii Talaadada ay khadka teleefan ku wada hadleen Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa lagu sheegay in Moscow ay Kiev ka dooneyso inay damaanad-qaaddo amaba xaqiijiso shuruudaha xabad joojinta, si dadka ku go’doonsan magaaladaasi ay u helaan marin nabdoon.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in Hay’adaha UNHCR iyo Laanqayrta Cas ay gacan ka gaysan doonaan samata-bixinta dadka rayidka, oo bilaaban doonto 10:00 barqanimo xilliga dalkaasi.

Ruushka ayaa Khamiistan samayn doono xabad joojin hal maalin ah, bal si fursad loogu siiyo amaba loogu tijaabiyo in Ukraine ay dhankeeda ka dhaqangelinayso xabad joojinta.

Wadamada Faransiiska, Turkiga iyo Giriiga ayaa dadaal ugu jira samata-bixinta shacabka ku xaniban Magaalada Dekedda leh ee Mariupol.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com