Ra’iisal Wasaare Rooble “Waxaad mooddaa inaan diyaar loo ahayn doorashada”

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa garabka Villa Somalia ku eedeeyay inaysan diyaar u ahayn doorasho hufan oo dalka ka qabsoomto, sababo ku aaddan, iyagoo doonaya inay doorashada u dhacdo, sida ay doonayaan oo keliya.

“Xilligii doorashadaa lagu jiraa, waxaad mooddaa inaan diyaar loo ahayn doorashada dadka qaarkood, ay taagan tahay cadkanow ku cun ama ku ciideey.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xalay ka hadlayay kulan loogu duceynayay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay inay raaci doonaan jadwalka doorashada, ee ay bartamihii bishan soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaalka, markaasna ay wax ka qaban doonaan, kuwii dilay Ikraan Tahliil Faarax iyo Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.

“Waxaan ballanqaadnay jadwalka ay FEIT soo saartay oo uu dhigayo 14-ka April ama waqtigaas ama ka hor inaan soo geba-gabayno dhaarinta Baarlamaanka, haddii Alle (SWT) uu idmo, markaas ayaan guuleysan doonnaa, inta dembiga gashayna markaasaan la xisaabtami doonnaa, hadduu Alle idmo.” Ayuu yiri Rooble.

Senatorada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si loogu dhaariyo, loona guda galo Doorashada Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com