Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta berrito (Sabtida) ay tahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadan.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in bilashada bisha laga arkay qaybo ka mida dalka, sidaasi daraadeedna ay Sabtida tahay maalinta 1aad ee bisha soon-qaad.
Warka ayaa lagu sheegay in Xaaji Xasan Eenow oo ka mid ah dadka reer Awdheegle uu arkay bisha, wasaaradduna ay dhaarisay.
Sidoo kale Cabdicasiis Xasan Ibraahim oo degan Magaalada Muqdisho ayaa warka lagu sheegay in bisha uu ku arkay Degmada Hodan.
Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa caawa iclaamiyay in bisha laga arkay deegaanada ay maamulaan, Sabtidana la soomi doono.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha barakeysan ee Ramadan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com