Guddiga Doorashooyinka oo soo bandhigay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaciyay natiijada Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal, ee ka kala dhacday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Natiijadan ayaa ahayd mid lagu soo bandhigayay liiska Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, ee habraaca doorashada lagu soo saleeyay doorashadooda.

Shaacinta liiskan ayaa waxaa laga reebay tiro Xildhibaano ah oo laga soo kala doortay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Xubnaha aan liiskan ku soo bixin waxaa ka mid ah Fahad Yaasiin Xaajir Daahir, oo 20-kii bishii February loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ah, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne, waana xilli Guddiga Doorashooyinka uu horey u hakiyay natiijada doorashada ee kursigaasi.

Xildhibaanada liiskooda la shaaciyay ayaa waxaa la filayaa in la dhaariyo 14-ka bishan, oo munaasabadda dhaarintooda ay ka dhici doonto Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com