Laba ka mid ah kuraasta taala Magaalada Beledweyne ee khilaafka uu ka taagnaa ayaa xal laga gaaray, iyadoona laga dhigay kuwo furan.
Odayaasha iyo waxgaradka ee beelaha leh kuraasta #HOP019 iyo #HOP059 ayaa si weyn uga horyimid in musharaxiin gaar ah loo xiro. Kuraastan waxaa horey ugu fadhiyay Farxiyo Muumin Cali iyo Samiira Xasan Cabdulle.
Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa xalay shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa kuraastaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com