Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Garaad Mashqare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Garaad Mashqare uu ahaa hoggaan dhaqan oo lagu yaqiinnay Alle ka cabsi iyo cibaado badan, door muhiim ahna ka qaata midnimada, wadajir, nabad ku wada noolaanshaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare. Marxuumku, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com