Madaxtooyada Hirshabelle oo ka hortimid tallaabada lagu reebay kursiga Fahad Yaasiin

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka hortimid tallaabada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay kursiga #HOP086 uga reebeen liiska Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, ee ay shaaciyeen natiijada doorashooyinkooda.

Kursigan ayaa waxaa 20-kii bishii February ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa Guddiga Doorashooyinka looga digay inay siyaasadeeyaan habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Warka ayaa u qornaa:

Dowladda Hirshabelle waxa ay u gudbisay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah.

Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada Xildhibaanada cusub ee la soo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo ka mid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay Guddiga Doorashada SEIT ee Hirshabelle.

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka, mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

Sidaas darteed, maadaama Gudoomiyaha Guddiga uu ku kacay tallaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka.

Ugu dambayntii waxaan uga digeynaa Guddiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami u socodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com