Madaxweyne Farmaajo oo teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabka ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Magaalada Hargeysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay masiibadan.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan.

-DHAMMAAD-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com