Wararkii ugu dambeeyay dabka ka kacay Suuqa weyn ee Hargeysa

Dab xoogan ayaa fiidnimadii xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa, kaasoo baabi’iyay inta badan goobihii ganacsi ee suuqaasi. Goobaha uu dabku cagta mariyay waxaa ka mid ah qaybtii bacadlaha ee Suuqa Waaheen.

Dabka oo aan si dhab ah loo ogayn waxa dhaliyay ayaa saacadba saacadda ka dambeysa u muuqday mid si xoog leh ugu sii fidaaya goobo hor leh.

Shaqaalaha Gaadiidka Dab Demiska iyo kuwa Dowladda Hoose oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida, ganacsatada iyo dadweyne si iskood ah isu xilqaamay ayaa saaka ku guuleystay inay xakameeyaan dabkaasi.

Qaar ka mid ah dadkii ku howlanaa deminta dabkaasi ayaa ku neef qabatoobay qiiqa iyo uuradii ka soo baxeysay goobaha uu dabka baabi’iyay.

Ganacsato fara ku tiris ah ayay u suurtagashay inay agabyada kala baxaan goobahooda ganacsi, halka intii kalena ay ku hanti beeleen dabkaasi.

Suuqa Waaheen oo ah kan ugu weyn deegaanada Somaliland ayaa soddonkii sano ee ugu dambeysay ahaa lafdhabarta ganacsi ee dadka reer Somaliland, iyadoona ganacsato fara-badan ay ku waayeen tacabkii iyo juhdigii ay muddada dheer gelinayeen suuqaasi.

Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge oo Warbaahinta la hadlay, mar uu ka qayb qaadanayay hawlgalka lagu baqtiinayay dabkaasi ayaa sheegay in itaalkooda oo dhan ay isugu geeyeen la tacaalidda dabkaasi.

“Dhib badan baa dhacay, maqaadiir kastaba Ilaahay baa keena, awood kasta oo la lahaa baa halkan la keenay, loomana kala harin. Ciidamada Qalabka Sida oo dhan baa joogga, wixii booyad la heli karay ayaa la keenay, wixii qalab la haayayna waa la keenay, dab demis way dhaaftayoo qof kastaaba naftiisuu halis geliyay.” Ayuu yiri Duqa Hargeysa oo intaasi raaciyay “Illaa intaynu qaban karnay waan qabanay oo waxba lama harin, waxba lama aynaan harin.”

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Waxaa wax Ilaahay loogu xamdi naqaa ah, illaa iminka lama hayo wax dhimasho ah, oo ma jiro qof bani’aadam ah oo dabkaa ku dhintay.”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiye-yaasha Xisbiyada Mucaaradka ayaa xalay kormeeray Suuqa weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay murugada la qaybsanayaan gaancsatada reer Hargeysa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com