Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona kala hadlay dabka baabi’iyay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada u soo bandhigay in loo gurmado ganacsatadii ku hantida beeshay masiibada ku habsatay Suuqa Waaheen.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay “Ra’iisal Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii weynaa ee baabi’iyay Suuqa weyn ee Hargeysa.”

Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xalay Warbaahinta u sheegay in hantida ku gubatay dabkaasi ay u dhaxeyso hal bilyan iyo bar illaa laba bilyan oo dollar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com