Rooble oo teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Somaliland

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweyne Biixi la wadaagay, sida uu uga xanuunsaday masiibadii ka dhacday Magaalada Hargeysa, isagoo u muujiyay sida uu u garab taagan yahay.

Dhanka kale qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu amray in la fasaxo lacag dhan $11,700,000, oo ah deeq caalami ah oo loogu talagalay mashaariicda horumarinta ee Somaliland.

“Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Dollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talagalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay Suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Suuqa Waaheen oo ah kan ugu weyn Somaliland ayaa soddonkii sano ee ugu dambeysay ahaa lafdhabarta ganacsi ee dadka reer Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com