Cali Xaaji Aadan oo noqday Xildhibaankii ugu dambeeyay ee Beledweyne lagu doorto

Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar ayaa noqday Xildhibaankii ugu dambeeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne, ka dib markii gelinkii dambe ee maanta magaaladaasi lagu qabtay doorashada kursigii ugu dambeeyay.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ku guuleystay kursiga #HOP039, isagoona 86 cod kaga adkaaday gabadhii keliya ee kursigaasi kula tartameysay oo lagu magacaabo Amina Xaaji Bille Cali oo heshay 13 cod oo keliya.

Beledweyne oo ay yaalleen 25 kursi ayaa waxaa haatan lagu doortay 24 kursi. Kursiga keliya ee haray oo horey ay ugu fadhisay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi ayaa doorashadiisa loo wareejiyay Magaalada Jowhar, ka dib markii beesha kursigaasi iska leh ay dalbatay in dib loo dhiggo doorashada kursigaasi, inta lagu jiro tacsida Xildhibaanad Amina.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa soo geba-gabeeyay Doorashada Golaha Shacabka, ee 20-kii bishii February ka bilaabatay Magaalada Beledweyne, oo ah deegaan doorashada 2aad ee Hirshabelle.

Guddiga ayaa u ambabixi doono Magaalada Jowhar, si ay halkaasi ugu qabtaan doorashada illaa toddobo kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com