General Indhacadde “Farmaajo dhagax uu badda ku tuuray ayuu rabaa inuu ku dabaasho”

General Yusuuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta codkiisa ku biiriyay walaaca ay siyaasiyiintu ka qabaan warka sheegaya in ciidan xoog leh oo ku sugan xuduudda Itoobiya, la qorsheynayo inay gudaha u soo galaan dalka, soona saldhigtaan Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeynaya in ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo ciidan Itoobiyaan ah oo la socdo, uu doonayo inay ka soo gudbaan xuduudda Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ugana sii gudbaan dhanka Magaalada Bu’aale, ka dibna ay uga soo tallaabaan Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

General Indhacadde ayaa sheegaya in Villa Somalia ay dooneyso inay maalinta aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April u bedesho 21-ka October.

“12-ka April waa maalin qaran, waa maalinteenii waaye. Anigu Janaraal Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaan ahay, maalin dadkaanu ka baqayo maahee waa maalintoodii, laakiin dadkan waxay ka hadlayaan qodaxda la hoos dhigayo oo dadka mudeyso iyo abeesada Villa Somalia ay hoos daadineyso, oo ay rabto inay 21-ka October u bedesho 12-ka April. Saas waaye waxa laga hadlayo, umana bedeli karaan, una bedeli maayaan, ma aqbalayno, mana aqbali doono, Ilaahayna aqbali maayo.” Ayuu yiri General Indhacadde.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidanka qoryaha wata iyo Saraakiisha ee garaadaha la siiyay oo la rabo inay dadkoodu ku laayaan, waa dad caqli leh, waa dad damiir leh, waana dad wax soo arkay, ma aqbalaayaan inay dadkooda u laayaanee ee Farmaajow garaadaha ha iska bixinin, wiilashaanu dadkoodu layn maayaan. Guryahaan ayagaa leh, waa hooyooyinkood, walaalahood, gabdhahoodii, ilmahoodii iyo hantidoodii, xoogaagaaga yarna waa kaa qaadanaayaan, garaadahana waa kaa qaadaanayaan, waana iska kaa dhicinayaan, saas ku tasho.”

General Indhacadde ayaa ciidamada kula dardaarmay “Wiilasha waxaan leeyahay fursadda ka faa’iideysta, garaadaha iyo lacagta qaata, warkaagaa yeelaynaa dhaha, waa burburinaynaa dhaha, waana baabi’inaynaa dhaha, shaqadiina qabsadaa leeyaha wiilasha, yaynaan fursadda idin dhaafin, waana ogahay inay sidaasi u dhaceyso, Insha’Allah. Ilaahay baa wax og, laakiin wax badanaa ogahay, kuwa garaadaha la siiyaa iska warqabnaa, kuwa kalaa iska warqabnaa.”

Jananka ayaa intaasi raaciyay “Farmaajo dhagax uu badda ku tuuray ayuu rabaa inuu ku dabaasho. Dadkan xoog laguma qaadan karo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaan illaa iyo hadda ka hadlin eedeymaha uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo dareenku dadku ka qabaan dhaqdhaqaaqa cusub ee Villa Somalia lagu eedeeyay inay gadaal ka riixeyso, xilligan oo lagu jiro xilli doorasho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com