Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Hirshabelle oo caawa geeriyooday

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Hirshabelle, Korneyl Cali Idiris Cismaan ayaa caawa ku geeriyooday dalka Turkiga, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu arrimo caafimaad u joogay.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyaha Ciidanka Daraawiishta.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya magaciisa, afka Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Dowladda Hirshabelle, Gaashaanle Sare Cali Idiris Cismaam oo caawa ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad u joogay.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa sheegay in Allaha u naxariistee marxuumku ahaa Sarkaal khibrad iyo aqoon badan u lahaa hogaaminta Ciidanka, kuna howlanaa dib u dhiska ciidan daraawiish oo awood u leh sugidda ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha cadowga.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Gaashaanle Sare Cali Idiris Cismaan, waxaana uu Alle uga baryay marxuumka inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com