Beesha Caalamka oo war ka soo saartay doorashooyinka dalka

Beesha Caalamka ayaa caawa war ka soo saartay arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoona bogaadisay in la doortay boqolkiiba kow iyo sagaashan (91%) kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo tanina ku macneysay dardar aan la joojin karin.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Somaliya ee Beesha Caalamka waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhameystiro kuraasta harsan. si dhakhso leh.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo keliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aanu jirin dib-u-dhac, isla-markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gebagabeynta qabanqaabada doorashada ee gaar ahaan u socdo Jubbaland, si loo hubiyo in beelaha ay khuseyso ay metelaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.

Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dokumeentiyada ugu soo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), iyadoo loo madlanyahay dhaarinta xubnaha cusub ee lasoo doortay, oo ay dhaarin-doonaan hay’adaha awoodda u leh marka la gaaro 14ka Abriil.

Waxaan ku boorinaynaa in horey loogu socdo u diyaargarowga dhaarinta 14-ka April, xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubbaland.

Iyadoo hadda diiradda la saarayo kulanka Baarlamaanka in uu ka qabsoomo Muqdisho, lana doorto Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Qaranka, waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Somaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada. Waxaa muhiim ah in qabanqaabada marxaladdan ugu danbeysa ee geeddi-socodka doorashada ay taageero xoogan ka hesho dhinacyada siyaasadda ayna ka dhalato natiijo ay dhamaan aqbalsanyihiin inay tahay sharci.

Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kadib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqo-ku-dabbaalidda Soomaaliya sanadaha soo socda

Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo. Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada.

Saaxiibada caalamku waxay hambalyo diiran u dirayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Waxaan u rajaynaynaa madaxda Soomaaliyeed ku-hagaagidda mabaadi’da Ramadaan ee ee dib-u-milicsiga, samafalka, midnimada iyo wadajirka ee xilligan xasaasiga u ah qaranka.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com