Koonfur Galbeed oo sheegtay inay joojisay wada shaqayntii kala dhaxeysay Ra’iisal Wasaaraha

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay joojisay wada shaqayntii kala dhaxeysay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hortimid tallaabada uu Ra’iisal Wasaaruhu xubinimada uga qaaday xubno ka tirsanaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu lumiyay kalsoonidii hoggaaminta ee doorashada dalka.

Qoraalka ayaa u qornaa:-

Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aanadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dejisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisua Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madaxbannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhow ula socotay in Ra’iisal Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wada shaqayntii kala dhaxaysay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com