Mahdi Guuleed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay gurmadka ganacsatada Hargeysa

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa maanta shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay, sidii loogu gurman lahaa ganacsatada Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, oo hantidooda ay ku baaba’day dabkii 1-dii bishan ka kacay suuqaasi.

Bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay “Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Dowladda Fedraalka Somaliya iyo Beesha Caalamka, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loogu gurman lahaa dadkii hantidood ku waayay dabkii ka kacay Suuqa weyn ee Harageysa.”

Hanti qiimaheyda lagu qiyaasay hal bilyan iyo bar illaa laba bilyan oo dollar ayaa ku gubatay dabkaasi, sida uu Warbaahinta u sheegay Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Suuqa Waaheen oo ah kan ugu weyn Somaliland ayaa soddonkii sano ee ugu dambeysay ahaa lafdhabarta ganacsi ee dadka reer Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com