NISA oo sheegtay in Shabaab ay markaan halis ku yihiin Madaxda Qaranka

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa saaka sheegtay inay Madaxda Qaranka la wadaageen khatar ka dhan ah, oo ay xilligan maleygayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraal lagu daabacay bogga Hay’adda NISA ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Shabaabku doonayaan inay bartilmaameedsadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, weerarkaana uu qorshaha fulintiisa leeyahay nin ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Maahir.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay maleygayaan Maafiyada Al Shabaab, oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxweynaha & R/wasaaraha Qaranka.

Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo Al Shabaab ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kasta oo ku lug leh.”

Warka NISA ayaa ku soo aadaya saacado yar uun ka dib, markii Ra’iisal Wasaaruhu uu ummadda Soomaaliyeed la wadaagay inay jiraan isbaheysiyo duulaan ku soo ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si dalka looga abuuro deganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeedba.

Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhameystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro deganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaargaroobaan, sidii looga hortaggi lahaa duulaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhameystirka doorashada oo mareysa heer gebagabo ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com