Rooble oo farriin xasaasi ah la wadaagay shacabka Soomaaliyeed

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin uu ugu sheegayo inay jiraan isbaheysiyo dal iyo dibadba leh, oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dhameystirka howlaha doorashooyinka ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ujeedka isbaheysiyadan laga leeyahay ku tilmaamay in dalka looga abuuro deganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeedba.

Qoraal lagu daabacay bogga Ra’iisal Wasaaraha ayuu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan, kana hortaggaan isbaheysiyada uu sheegay inay duulaanka ku yihiin dalka iyo dadkaba.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhameystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro deganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaargaroobaan, sidii looga hortaggi lahaa duulaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhameystirka doorashada oo mareysa heer gebagabo ah.”

Farriinta Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku soo aadaysa, xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wado abaabul ciidan, iyadoo dalka uu ku jiro waqti doorasho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com