Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa galabta go’aan ka soo saaray illaa afar kursi, oo natiijada doorashooyinkooda laga reebay kuraastii kale ee Golaha Shacabka ee habeenkii Khamiista la shaaciyay.
Guddiga Doorashooyinka ayaa waxay go’aamiyeen in dib loogu noqdo doorashada kuraastaasi, iyagoona dib ka soo sheegi doono iyo goorta iyo goobta lagu qaban doono.
Qoraal lagu daabacay bogga Guddiga Doorashooyinka ee Facebook ayaa lagu yiri “Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal waxaa uu go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.”
Nagala soo xiriri dhacdo@gmail.com