Gudoomiye Mursal “Ra’iisal Wasaaraha waajib ayay ku tahay inuu raadiyo Koonfur Galbeed”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa shir jaraa’id kaga hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ayaa marka hore yiri “Waxay ila tahay arrinta Koonfur Galbeed ku saabsan, 5-tii bishii April waxay soo qortay warqad ama qoraal ay kaga hadleyso khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu doonayo in dadku dib u xusuustaan doorkii Koonfur Galbeed ay ku laheyd xal u helidda caqabadihii soo wajahayay doorashada, intii ay socotay.

“Marka hore waxaan rabaa in dib loo xusuusto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed doorkii ay ku laheyd khilaafyadii dhici jiray, muddadii doorashada dadban ay socotay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo hadalkiisa raaciyay “Runtii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mar walba waxay u taagneyd, sidii wixii caqabado ah ee yimaada xal loogu heli lahaa, gaar ahaan Madaxweyne Cabdicasiis wuxuu hormuud ka ahaa mar walba xal u helidda khilaafaadkaas in mar walba horey loo dhaqaajiyo doorashada, si ay u hirgasho.”

Waxa kaloo uu yiri “Maanta, haddii ay timid in doorasho laga hadlo, doorashada dadban Dowlad Goboleedyada dhammaan si isku mid ah ayay u qabteen, yacni habraac isku mid ah ayay ku qabteen. Haddii ay sax yihiin way wada saxan yihiin, haddii ay khaldan yihiin way wada khaldan yihiin. Koonfur Galbeed waxay leedahay xuquuq lamid ah midda ay leeyihiin Dowlad Goboleedyada kale, waxaa saaran waajibaad, midka saaran Dowlad Goboleedyada kale mid lamid ah, kamana duwana Dowlad Goboleedyada kale, waxay kaga duwan tahay maleh.”

Waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu waajib ka saaran yahay inuu Koonfur Galbeed ka qanciyo, wixii tabasho ah ee dhankiisa ka tirsaneyso.

“Sidaa daraadeed, maadaama ay Koonfur Galbeed caddeysay inuu khilaaf kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha. Ra’iisal Wasaaraha waxaa waajib ku ahaa in uu u dhaqaaqo, sidii uu u qancin lahaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxa kaloo jira Baarlamaanka Federaalka, haddii hal Dowlad Goboleed ka maqan tahay, ma lagu tilmaami karo Baarlamaan Federaal inuu yahay, sidaa daraadeed waajib ayay ku tahay inuu raadiyo Dowlad Goboleedka, uuna qanciyo, maadaama aanay jirin sida ku cad qodobka 51aad ee Dastuurka KMG ah sharci xeerinaya guddiyo ama habraacyo, haddii khilaaf dhaco, khilaafkaasoo u dhaxeeyo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ama Dowlad Goboleedyada dhexdooda ah, uusan weli Baarlamaanku samaynin, asaga ayay waajib ku tahay inuu u dhaqaaqo oo xal uu raadiyo.” Ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa ku celiyay inaanan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka la dhaarin karin 14-ka bishan, iyadoo aysan qayb ka ahayn Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed.

“Baarlamaanka 14-ka April, haddii Koonfur Galbeed ka maqan tahay, Baarlamaan Federaal ah lama dhaarinayo ee waxaa la dhaarinooyaa dowlado iskaashaday, saddex illaa afar Dowlad Goboleed, baarlamaankiisaa la dhaarinooyaa, maxaa yeelay Baarlamaanka Federaalka wuxuu ka kooban yahay Dowlad Goboleedyada xubnahooduu ka koobmaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Mursal ayaa Dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay inay masuuliyad iska saaraan sida uu yiri arrinta khilaafka ka dhex dhalisay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Ra’iisal Wasaaraha, ee ku aaddan kuraasta ay doorashadoodu qabatay Koonfur Galbeed, ayna u istaagaan, sidii xal loogu heli lahaa tabashada ay qabto Koonfur Galbeed, sidii markii horeba buu yiri ay Koonfur Galbeed samayn jirtay, una xalin jirtay wixii khilaaf ah ee dhaca.

Koonfur Galbeed ayaa Talaadadii sheegtay inay joojisay wada shaqayntii kala dhaxeysay Ra’iisal Wasaare Rooble ee dhinaca doorashooyinka dalka, ka dib markii ay ku eedeysay inuu lumiyay kalsoonidii hoggaaminta ee doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com