Hirshabelle oo shaacisay doorashada saddex kursi oo lagu qabanayo Magaalada Jowhar

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay doorashada saddex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Tirsiga kuraastan oo kala ah #HOP024, #HOP106 iyo HOP#140 ayaa lagu dooran doonnaa Magaalada Jowhar.

Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hirshabelle ayaa waxaa yaalla toddobo kursi, iyadoo mid ka mid ah kuraastaasi laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne, waana kursigii ay ku fadhisay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi, oo tirsigiisu yahay #HOP135.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com