Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay carruur agoon iyo barakacayaal

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq gaarsiisay carruur agoon ah iyo barakacayaal ku sugan Dagmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq raashiin gaarsiisay carruur agoon ah iyo dadka barakacayaasha ee ay gacanta ku hayso markazka Al Raxma ee ku yaal xerada Siliga ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir

Deeqda Raashinka ah ee ay Hormuud Salaam Foumdation gaarsiisay Caruurta danyarta ee agoonta ah iyo dadka barakacayaasha ah ay gacanta ku heyso Markaska Al Raxma, ayaa waxa ay iskugu jirtay, Bur, Bariis, Sokor iyo Jirgaanno Saliid ah, si ay ugu afuraan caruurta agoonta ah iyo dadka danta yar ee barakacayaasha.

Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi Kobac ayaa sharaxaad ka bixiyay deeqdan ay Hormuud Salaam Foundation soo gaarsiisay Carruurta agoonta ah iyo dadka barakacayaasha ay gacanta ku heyso Markaska al raxma, isagoo xusay in tani ay qeyb ka tahay barnaamijka taakuleynta affurinta dadka danta yar, ee bishan barakeysan ee ramadaan ay Hay”adda Hormuud salaam Foundation, waday.

Dhinaca kale Macallin Nadiir Cabdulqaadir Cabdullaahi iyo Macallin Nuur Maxamed Cabdiraxmaan oo kamid ah macallimiinta madarasada Al Raxma ayaa sheegay in sanad walba marka la gaaro bisha ramadaan ay la soo gaaraan deeqdaan waxa ayna hay’adda Hormuud Salaam foundation uga mahad celiyeen taageerada ay soo gaarsiisay, uu qeyb weyn ka qaadaneyso afurinta carruurta Agoonta ah iyo dadka barakacayaasha ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com