James Swan oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (SAWIRRO)

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno kale oo guddigaasi ka tirsan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa Wakiilka Qaramada Midoobey warbixin ka siiyay howlaha doorashooyinka dalka iyo halka ay marayaan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee dalka (UNSOM) ayaa lagu sheegay in James Swan uu Guddiga Doorashooyinka ku booriyay inay xal u helaan caqabadaha ku gadaaman afarta kursi ee laga reebay kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee natiijadooda lagu dhawaaqay toddobaadkii hore.

“James Swan ayaa ku booriyay inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afartaasi kursi, si howsha loo soo geba-gabeeyo iyadoo aan dib loo dhigin.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Saddex ka mid ah kuraastan ayaa laga soo doortay Koonfur Galbeed, halka midka kalena laga soo doortay Hirshabelle. Guddiga Doorashooyinka ayaana Arbacadii sheegay in dib loo qaban doono doorashada kuraastaasi.

Tallaabada kuraastan looga reebay kuraasta kale ayaa khilaaf ka dhex abuuray Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Walaaca ugu weyn ee caalamka ayaa ah, in 14-ka bishan la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaal, iyadoo aanay markaasi qayb ka ahayn Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed, inkastoo tiro yar oo ka mid ah ay qaateen shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com