Qoraal goor dambe oo xalay ahayd ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Francisco Madeira loo aqoonsaday shakhsi aan dalka laga rabin, isla-markaana uu muddo 48 saac gudahood ah dalka uga baxo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Francisco Madeira uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqada uu Midowga Afrika uga wakiilka yahay dalka.
“Dowladda Somaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.”
Ra’iisal Wasaaraha oo soo dhaweynaya hawlgalka cusub Midowga Afrika (ATMIS) ee bedelaya hawlgalka AMISOM ayaa Midowga Afrika ugu yeeray in wakiil cusub u soo magacawdaan dalka, si horey uu ugu sii socdo hawlgalka ATMIS.
Madeira ayaa bishii October ee sanadkii 2015 loo soo magacaabay inuu noqdo Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com